Wakaaladda xaqiijinta tayada xifadleyaasha DDS ayaa 120 macallin(assessors)ka qaadaya imtixaanka xaqiijinta tayada.
Macallimiinta(assessors)qaadanaya imtixaanka xaqiijinta tayada ayaa ah kuwo bartay xirfado kala duwan oo ay ka mid yihiin caafimaadka, farsamada gacanta iyo beeraha, kuwaasi oo marka tayadooda la xaqiijo lasiin doono tababarro la xidhiidha qaabka loo qiimeeyo tayada ardayda.
Maareeyaha wakaaladda xaqiijinta tayada xirfadleyaasha DDS Mudane Cali Dalaja Cali ayaa sheegay in wakaaladda ay u qorshaysan tahay sannadkan soo saarista 120 bare oo qeyb ka noqon doona bareyaasha ka shaqeeya xaqiijinta tayada ardayda barata xirfadaha kala duwan.
Wakaaladda xaqiijinta tayada xirfadleyaasha DDS ayaa sannad walba soo saarta bareyaal bartay xirfado kala duwan, si kor loogu qaado tayda ardayda xirfadleyaasha.





